Madaxweynaha JFS oo maanta soo gabagabeyn doono socdaalkiisa rasmiga ah ee Ethiopia

Date:

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii labaad ku sugan Itoobiya kadib casuumaaddii uu u fidiyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed si ay wadahadallo dheeri ah uga yeeshaan iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dowladood si wafaqsan hirgalinta Heshiiskii Ankara.

Madaxweyne Xasan Sheekha oo maanta soo gaba gabeynayo socdaalkiisa ayaa lagu wadaa in uu booqdo goobaha tariikhiga ah ay leedahay dowladda Itoobiya

Hoggaamiyeyaasha labada dal oo shalay ku kulmay Addis-Abbaba ayaa isku raacay in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya iyada oo loo marayo dib u hawlgalinta matalaadda dublamaasiyadeed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobalka, si dhawna looga wada shaqeeyo danta guud.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sidoo kale adkeeyay in xasilloonida gobalka ay aasaas u tahay in labada dal ay yeeshaan wadashaqayn xooggan oo ku dhisan kalsooni iyo is qadarin, iyadoo labada hogaamiye ay isku raaceen in la horumariyo dadaallada kor loogu qaadayo xoojinta xiriirka gobalka iyo is fahamka guud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...