Guddoomiyaha SoDMA oo deeq Gargaar ah kala wareegey Safiirka Imaaraadka Carabta 

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Mudane. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Md. Axmed Juma Al-Rumaithi kala wareegay deeq gaar raashin ah oo gaaraya 700 oo ton, kaas oo loogu tala galay in lagu garab istaago dadka nugul ee abaaruhu sida daran u saameeyeen.

Hay’adda SoDMA oo xoojineysa dadaallada looga hortagayo saameynta khataraha ka dhalan kara abaaraha, ayaa 300 oo ton oo deeqdaan qeyb ka ah u gudbisay magaalada Kismaayo, halka 200 oo ton la geeyay magaalada Boosaaso. Gargaarkaan ayaa deg-deg loo gaarsiin doonaa dadka loogu tala-galay ee ku dhaqan magaalooyinkaan iyo degaanna ku xeeran.

Sidoo kale, 200 oo ton oo loogu tala galay in la gaarsiiyo degaannada gargaarka dhulka loo marsiin karo iyo gobolka Banaadir ayaa la dhigay bakhaarrada Hay’adda.

Guddoomiyaha Hay’adda, Maxamuud Macallin ayaa dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyay taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...