Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Saraakiisha Waaxda Asia iyo Australia

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Axmed Maxamed Fiqi, ayaa kulan la yeeshay saraakiisha Waaxda Asia iyo Australia, oo uu hoggaaminayay Agaasimaha waaxda, Mudane Saciid Jaamac Mire.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta horumarka waaxda, sidii kale waxaa laga hadlay qorshayaasha lagu horumarinayo waxqabadkeeda, iyo sidii loo heli lahaa istaraatijiyado lagu gaari lahaa himilooyinka Wasaaradda. Wasiir Fiqi ayaa ku dhiirrigeliyay kooxda inay sii wadaan dadaalkooda heer sare ah ee horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo adeegga bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale ammaanay saraakiisha waaxda, isagoo tilmaamay doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan guulaha Wasaaradda iyo dadaalkooda joogtada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...