Wasiir Cali Xoosh oo kulan la yeeshay Odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Cumar Guureeye iyo Mas’uuliyiin kale, ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug.

Wasiir Cali Xoosh, ayaa odayaasha u sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaarisay shuruucda iyo habraacyada doorasho qof iyo cod ah, isla markaana iyadoo kaashanaysa Dowlad Goboleedyada ay awoodda maamulka dalka dib ugu celineyso shacabka Soomaaliyeed oo ay si dimuqraadiyad ah u soo doora doona hoggaankooda.

“Waxaan diyaarinay oo aan meelmarinnay dhammaan Xeerarka gundhigga u ah in ay dalka ka hirgasho doorasho qof iyo cod ah, kuwaas oo kala ah; Xeerka dhisidda GMDQS, Xeerka Ururrada Siyaasadda iyo Iyo Xisbiyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Doorashooyinka Qaranka, sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhistay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha oo loo dhamaystiray dhammaan waxyaabaha ay ku shaqayn lahaayeen,” ayuu kulankaas ka yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Dhankooda Odayaasha dhaqanka ee deegaanada Galmudug ayaa caawa kulankaas ka sheegay inay diyaar u yihiin in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay u soo doortaan hoggaanka dalkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...