Diyaarad sidday 181 ruux oo ku burburtay Kuuriyada Koonfureed

Date:

Ugu yaraan 151 qof ayaa ku dhintay diyaarad rakaab ah oo ku burburtay garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada Muan ee dalka Kuuriyada Koonfureed, sida ay sheegtay wakaaladda dabdamiska qaranka ee dalkaasi.

Hay’adda Dab-damiska ayaa xaqiijisay in 151 qof ay dhinteen, laba qof oo shaqaala ahna la soo badbaadiyay,kadib markii la damiyay dab qabsaday diyaaraddasi oo ku burburtay wadada ay cagadhigtaan diyaaradaha ee Magaalada Muan.

Shilkaan ayaa yimid, iyadoo diyaaradda Jeju Air oo sidday 175 rakaab ah iyo lix shaqaale ah ay ka soo duushay caasimada Thailand ee Bangkok,waxayna ku burburtay garoonka caalamiga ah ee Muan oo qiyaastii 289km koonfur galbeed kaga beegan caasimada dalka Thailand.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed (Yonhap) oo soo xiganaysa saraakiisha wakaaladda dab damiska ayaa sheegtay in ay yartahay rajada laga qabo in la helo dad kale oo badbaaday.

Diyaaraddaasi rakaabka ah ayaa la sheegay in ay ku timid cillad,kadibna iyadoo bilaa taayirro ah ay ku soo degtay garoonka,sida laga soo xigtay Kooxo goobjoogayaal ah.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...