Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qabatay kulan looga hadlaayo Baaqii Ankara 

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, ayaa qabatay kulan heer sare ah oo ay ka soo qeybgaleen aqoonyahanno Soomaali ah,kaas oo khuseeyay Baaqkhii Ankara ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya:

Kulankaan xasaasiga ah waxaa isugu yimid mas’uuliyiin iyo khubaro caan ah si ay u qiimeeyaan saameynta Baaqa Ankara ku leeyahay iskaashiga gobolka, iyadoo diiradda la saarayo dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo diblomaasiyadda.

Soo bandhigidda fikradaha kulankaasi  oo uu daadihinayay Agaasimaha Xafiiska Qurbajoogta Ibraahim Guure Maxamed, ayaa lagu muujiyay sida hagar la’aanta ah ee ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo horumarinta hadafka istiraatiijiyadeed ee siyaasadda dibadda.

Kulankaasi oo inta badan lagu fallanqeeyay Isbarbardhigga nuxurka uu xambaarsan yahay Baaqii Ankara waxaa Ka qaybgalay Danjire Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,Wasiir ku xigeenka Isaaq Maxamuud Mursal,Xoghayaha Joogtada ah Xamza Aadan Xaadoow iyo Ku-simaha Safiirka Suudaan danjire Ammar Ahmed Babiker

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya ee Yemen oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen, Cabdixakiin Maxamed Axmed,...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has received the letters...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  ka guddoomay waraaqadaha aqoonsiga...

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixiyay horumarka adeegyada caafimaadka dalka

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali XaajI oo...