Kulan Su’aalo weydiin ah oo ku saabsanaa dhimashada hooyada iyo dhallaanka oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka gaar ahaan waaxdeeda Caafimaadka Qoyska,ayaa u jeedkiisu ahaa sidii loogu samayn lahaa dib eegis Habraac la socodka iyo ka jawaabista sababaha keena dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka (MPDSR guidelines), waxaana sidoo kale looga hadley kulanka sidii Isbitaallada guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay usoo gudbin lahaayeen xogaha Hooyada ku dhimata Isbitaalladasi iyo sababta.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu lafagurey sidii loo ogaan lahaa kiisaska aan soo gaarin xarumaha Caafimaadka heer gobol iyo heer degmo, si kor looga qaado badqabka Hooyada Soomaaliyeed ee u baahan daryeelka Caafimaad, iyadoo laga faa’ideysanayo barnaamijka Marwo Caafimaad (Female healthworkers).

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ka jawaabista baahida Caafimaad ee ay qabto bulshada Soomaaliyeed iyo sidii loo horumarin lahaa nidaamka Caafimaadka dalkeena.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhul gariir ka dhcay dalka Indonesia

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay...