Wasiirka Arrimaha gudaha Federaalka oo kulan la qaatay Maamulka degmada Garbahaareey

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa maanta la kulmay maamulka degmada Garbahaareey iyo hoggaannada qeybaha kala duwan ee bulshada ee magaaladasi.

Kulankan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta amniga, kor u qaadista adeegyada bulshada, iyo horumarinta wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda iyo bulshada deegaanka. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa dhageystay sidoo kale warbixinno ay soo bandhigeen maamulka degmada iyo qeybaha bulshada kuwaas oo ka hadlay baahiyaha iyo caqabadaha haysta degmada.

Sidoo kale, Wasiirka, ayaa bulshada ku boorriyay inay door weyn ka qaataan sugidda nabadgelyada iyo taageeridda dadaallada dowladdu ku bixinayso amniga. Wuxuuna ballan qaaday in dowladda dhexe ay sii xoojin doonto wada shaqeynta kala dhaxeysa maamulka gobolka , kan degmada iyo in mudnaanta la siin doono baahiyaha muhiimka ah ee bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...