Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray Baydhabo

Date:

Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG dowlad gobolleedka Koofur Galbeed, waxaana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo boqolaal Bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Ujeedka Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriira xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed, u kuur galidda horumarrada ka jira Koonfur Galbeed iyo ka qeyb galka Xafladda sanad guurada 6aad ee ka soo wareegtay Muddada uu Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed hoggaaminayay Madaxweyne Lafta Gareen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...