Imaaraatka Carabta oo soo dhaweeyay xalinta khilaafkii ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

Date:

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay Khamiistii ku soo dhaweysay heshiiskii Turkiga uu dhex dhexaadinayey ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo lagu soo afjarayay khilaafkii u dhaxeeyay labada dal.

“Tallaabadan muhiimka ah waxay xoojin doontaa xiriirka labada dal iyo sidii gacan looga geysan lahaa xasilloonida iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Geeska Afrika”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Khaliijka .

Bayaankaan, ayaa lagu caddeeyay sida ay Imaaraadka Carabta uga go’an tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxaana lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo qaab nabadeed.

War saxaafadeedka, ayaa lagu ammaanay dadaalka Turkiga iyo doorka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee ka mira dhalinta heshiiska,iyadoo dhanka kale wada-hadallada ku tilmaamay in ay ka dhigan yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo arrimaha gobolka iyo kan caalamka.

Dhowaan ayeey aheyd markii hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay ugu magacdareen Baaqa Ankara ,iyagoo xaqiijiyay   ixtiraam iyo sida ay uga go’an tahay midba midka kale in uu ilaaliyo madaxbannaanidiisa, midnimadiisa iyo wadajirka dhuleed, sida laga soo xigtay Agaasinka Isgaarsiinta ee Turkiga

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hey’adaha Cadaaladda

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska...

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

Shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ayaa maanta lagu qabtay...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka...

Taliska Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta kusoo...