Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya oo lagu soo dhaweeyay Magaalada New Delhi 

Date:

Danjiraha Cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan u soo magacawday dalka Hindiya, Mudane Danjire, Dr. Abdullahi Mohammed Odowa ayaa soo gaaray Magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.

Danjiraha cusub ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Siihayaha Safaaradda ahna Safiir ku-xigeenka Safaaradda, Mudane Abdifatah Abdullahi Nur, Safiiradda dalalka caalamka u jooga dalkan Hindiya, diblomaasiyiinta kale ee Safaaradda ka hawlgala iyo sidoo kale qeybo kamida bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Hindiya.

Intaasi kadib Safiirka cusub mudane Dr. Abdullahi Mohammed Odowa, ayaa isbarasho iyo soo dhaweynta ka qaatay madaxdii iyo shacabkii soo dhaweeyay, dhammaantoodna uga mahadceliyay soo dhaweyntiisa.

Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo qoto dheer, immaatinka Danjiraha cusub ayaa la filayaa in uu waxbadan ku soo kordhin doono Arrimaha Siyaasada, Dhaqaalaha, Waxbarashada, Ganacsiga iyo xoojina xiriirka labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...