Gollaha Wasiirrada oo Agaasimaha Guud ee HSJ u magacaabey Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow

Date:

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdirxamaan Yuusuf (Al-caddaala), ayaa ka warbixiyey qodobada ay goluhu soo saareen.

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha oo ku saabsan magacaabista Agaasimaha Guud ee Heyโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Xilka Agaasimaha Guud ayaa loo magacaabay Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.Goโ€™aankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda ku xoojinayso hayโ€™adaha amniga iyo socodsiinta shaqooyinka muhiimka ah ee waajibaadka qaranka.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa guddi u saaray inuu baaris ku sameeyo nooca xiriir ee ka dhexeeya eedaysane Axmed Madoobe iyo kooxaha Khawaarijta ah, falkii uu ku weeraray deegaanka Raaskambooni oo ay ka dhalan doonto isla-xisaabtan iyo ciqaab ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...