𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐚𝐬𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐤𝐨𝐫𝐚𝐫𝐬𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐨𝐰𝐥𝐨 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐞𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐅𝐢𝐧𝐥𝐚𝐧𝐝

Date:

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. Fartun Sharif Mohamed iyo agaasime ku xigeenka Isbitalka Banaadir Dr. Amina Hassan Hussein oo howlo shaqo u joogay dalka Finland ayaa booqashooyin ku tagey xarumo Caafimaad oo ku yaala dalkaasi si khibradaha iyo aqoonta la isku dhaafsado taasoo ka qeyb qaadan karta in Isbitaalka Banaadir la sii horumariyo howlaha shaqo ee uu u hayo bulsho waynta Soomaaliyeed.

Agaasimayaasha ayaa inta ay ku sugnaayeen dalkaasi waxey kulamo la qaateen Hey’adda IOM ,machadka Caafimaadka Qaranka, Maamulada Isbitalada iyo Jaamacadda ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, ayagoo sidoo kalena la kulmay bahda Caafimaadka ku sugan ee dalkaasi.

Ujeedada booqashada ayaa aheyd horumarinta adeega Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka loogana wada shaqeyn lahaa kor uqaadida xirfadlayaasha Caafimaadka sida tababarada shaqaalaha iyo helida qalab casri ah si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Dadaaladan ayaa waxa ay qeyb ka yihiin siyaasada ay Wasaaradda Caafimaadka ku yareynayso sababaha keena dhimashada Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed, dalka Finland ayaa ah dalalka sida weyn ugu hormarsan arrimaha Caafimaadka gaar ahaa Qeybta Hooyada iyo Dhallaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka...

Ramla Cali oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay kadib guulo ay kasoo hoysay feerka caalamiga ah

Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir heer wasiir oo ka socda Dooxa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Dib-u-furista Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS)...