Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray Waddo oo interlock

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray 10 Waddo oo interlock oo laga hirgeliyay Xaafada Taleex ee Degmada Hodan.

Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay Maamulka iyo Bulshada Degmada Hodan iskaashiga ay ku dhisteen waddooyinkaan oo muhiim u ah isku socodka iyo bilicda Degmada, asigoona sheegay in Degmada Hodan ay tusaale muuqda u tahay Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah Waddooyinka ugu muhiimsan ee maanta la xarig jaray ayaa loogu magacdaray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN. Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyadoona munaasabadda xarig jarka ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Degmada Hodan Md. Cali Axmed Faarax, Xildhibaano, Ganacsato iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...