Guddoomiyaha Hay’adda SODMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Date:

-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah wasiirrada wasaaradaha gargaarka ee maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay wasiirka gargaarka Galmudug Cabdiraxmaan Makaawi,maamulka Gobolka Galgaduud Iyo masuuliyiin kale.

Socdaalka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa ku soo aadaya xilli magalaada Dhuusamareeb uu maalinta berri ah ka furmayo shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada oo sanadkiiba saddex jeer la qabto kaas oo sanadkaan lagu qabanayo Galmudug.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Warbixinta Madasha Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliya

Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS), oo kaashanaysa Magan Forum,...

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed...

Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane...