Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray shir lagu soo bandhigay mashaariicda maaraynta musiibooyinka

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa soo xiray shalay galinkii dambe shir lagu soo bandhigay nidaamyo loo marayo maalgalinta mashaariicda maaraynta musiibooyinka ee dalka, kaasoo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Maaliyadda isla-markaana uu fududeeyay Bankiga Aduukna.

Intii uu socday shirka waxaa diiradda lagu saaray nidaamka loo yaqaan Catastrophe Deferred Draw Down Option (Cat-DDO) oo ah nidaam u oggolaanaya dowladda Soomaaliya in ay si dhaqsi ah uga jawaabto xaaladaha deg-degga ah iyadoo dhaqaalaha lasoo marsiinayo nidaamka maaliyadeed ee qaranka.

Sidoo kale waxaa la soo bandhigay warbixin la xariirta istaraatiijiyadda qiimaynta maalgalinta khataraha musiibooyinka ee dalka ka dhaca (Disaster Risk Finance Diagnostic report). Nidaamkan ayaa dowladda u ogolaanaya in ay caymis galiso hantida Soomaaliyeed ee sanad walba dhibaata ay u gaystan khataraha ka dhasha is-baddalka cimilada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Qaabilaadihii dublumaasiyiinta iyo Difaaca Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...