Hayโ€™adda SoDMA iyo Culumada Soomaaliyeed oo kulan wadatashi ah ku yeeshay Muqdishoย 

Date:

Hayโ€™adda Maaraynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo Culimada Soomaaliyeeed, ayaa isugu yimid shir wada-tashi ah oo diiradda lagu saaray, kor-u-qaadista xiriika wada-shaqeyn ee ka dhaxeeya SoDMA iyo Culimada, ka jawaabista deg-degga ah, dhisidda bulsho adkeysi u leh aafooyinka iyo sida ay Culimada Soomaaliyeed uga qayb-qaadan karaan dadaallada istiraatiijiga ah ee hayโ€™addu kula tacaalayso ka hortagga khataraha musiibooyinka.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo shirka daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu shirkaan u leeyahay bulshada, gaar ahaan dadka nugul ee u baahan garab istaagga, isagoo xusay in talada iyo aragtida culimada ay mar kasta lagama maarmaan u tahay hayโ€™adaha kala duwan ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, halka uu si weyn u boorriyay xoojinta dadaallada wacyi-galinta iyo in dadka si wax-ku-ool ah loo fahansiiyo sida ay muhiim u tahay wax-la-bixdda iyo is-caawinta.

Hoggaanka Culimada Soomaaliyeed goobta ka hadlay ayaa dhankooda soo jeediyay doodo iyo khudbado la xariira sida ugu habboon ee shacabka tabaaleysan si waxtar leh loogu gaarsiin karo gargaarka iyo waddooyinka looga gudbi karo ku tiirsanaanta gargaarka iyo deeqaha dibadda, halka ay ballan-qaadeen in ay xoojin doonaan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan maaraynta musiibooyinka iyadoo xoogga la saarayo ka faaโ€™iidaysiga aqoonta iyo kheyraadka gudaha.

Intii shirku socday waxaa la soo bandhigay muuqaal koobaya waxqabdka Hayโ€™adda muddada labada sanno ah ee ay jirtay, sidoo kale, waxaa la soo jeediyay warbixin kooban oo taabanaysa howlaha guud ee hayโ€™adda hortabinta u leh, waxqabadka Xarunta Qaran ee Ka-digista Halis-wadareedka iyo Xarunta Qaran ee Gurmadka Deg-degga ah ee ku aaddan u diyaargarawga, ka jawaasista xalaadaha baniโ€™aadannimo iyo hirgalinta mashaaricda dhisaya adkeysiga bulshada.

Xildhibaanno ka tirsan Guddiga Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhankooda qeyb ka ahaa shirka ayaa si weyn u bogaadiyay doodda iyo muwduuca shirka, iyaga oo xusay in xalka in badan oo muskiladaha ka mid ah u ku jiro wacyi-galinta iyo farriimaha cumilada ee ku wajahan bulshada Soomaaliyeed, loona baahan is-kaashi marka la joogo fulinta howlaha baniโ€™aadannimo ee Hayโ€™adda SoDMA masuulka ka tahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo daahfuraya Hirgalinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda

Raโ€™iisul Wasaaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo tixraaceysa himilooyinka dastuuriga ah iyo...