Wasiirka Arrimaha Bulshada XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Dalka Turkiga

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta oo khamiis ah ku qaabilay xafiiskiisa, Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee aynu walaalaha nahay u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Kulankaan, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxaa kulanka lagu gorfeeyey sidii loo abuuri lahaa barnaamijyo shaqo abuur ah, kuwaasi oo ay ka faa’iideysan karaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo arrimo la xiriira tababaro lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha dawladda.

kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda, Mudane Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim, agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane, Yuusuf Wadani iyo qaar ka mid ah la-taliyaasha Wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...