Xildhibaannada labada Gole oo leh Akhrinta 2-aad ee Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka

Date:

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta leh fadhiga Akhrinta 2-aad ee Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

Fadhigan waxaa qeyb ka ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh iyo Wasiiru dowlaha Waaaaradda mudane xildhibaan Saadaad Maxamednuur Caliyow.

Dhanka kale Habdhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo Xildhibaannada hortooda ku dhaariyay wasiiru dowlaha wasaaradda Qorsheynta Mudane Axmed Sheekh Maxamed Mashruuc iyo wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdirashiid Ducaale, kuwaas oo uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Sidoo kale Senator Cabdiweli Garyare oo maalin ka hor lagu doortay Dhuusamareeb, ayaa maanta lagu dhaariyey kulanka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...