Duqa Muqdisho oo furay Madasha la tashiga Bulshada ee Maqaamka Caasimadda  

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa daah-furay Madasha La-tashiga Bulsho ee Maqaamka Muqdisho iyo Xuquuqda Gobolka Banaadir, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Odayaasha dhaqanka, Culumada, Dhalinyarada, Haweenka iyo Hormuudka Ururada Bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo furitaanka Madasha ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in uu dhageysto qeybaha kala gedisan ee Bulshada, isla markaana uu La-tashi kala sameeyo hanaanka xulasho ee Maqaamka Muqdisho.

Qeybaha kala gedisan ee bulshada oo madasha ka hadlay ayaa aad usoo dhaweeyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu qabto madal nuucaan ah oo lagu dhageysanaayo taladooda si loogu qeyb geliyo xulashada loo maraayo nuuca ugu haboon ee loo xulaayo hanaanka Maqaamka Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa sheegay in madashaan ay bilaw u tahay sidii bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir ay u heli lahaayeen xuquuqdooda matalaad, isla markaana ay iyagu go’aan ugu gaari lahaayeen nuuca uu noqonaayo Maqaamka Muqdisho.

Madashaan ayaa ah mid qeybaha kala gedisan ee bulshada Gobolka Banaadir ay doodo ka yeelan doonaan hanaanka xulasho ee Maqaamka Muqdisho iyo xuquuqda bulshada Gobolka Banaadir, si talooyinka kasoo baxa madashaan loogu gudbiyo guddiyada kala gedisan ee Dastuurka maadaama Baarlaamka uu dhawaan guda geli doonno doodaha ku aada wax ka badalka cutubka 5-aad illaa 9-aad ee Dastuurka JFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...

Kenya oo qalliin Caafimaad dhegaha ah loogu sameeyey 15 Carruur Soomaaliyeed ah

Waxa Magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay qaliin kooban oo...