Wasiirka Warfaafinta oo tababar u soo xiray xubno ka socday Shirkadaha Filimada, Warbaahinta

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in la joogo xilligii dib loo soo nooleyn lahaa doorkii Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed.

Wasiir Daa’uud oo soo xirayay tababar lagu baranayay habka sameynta iyo soo saarista Filimada ayaa intaa ku daray in ay ahmiyad ballaaran u leeyihiin dalka  Filimada gaagaaban ee bulshada loo gudbinayo marka la eego marxaladda soo kabashada ah ee haatan lagu jiro.

Wasiir Daa’uud Aweys “Waxaa la joogaa xilligii dib loo soo nooleyn lahaa doorkii Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed.”

Munaasabadda xiritaanka Tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, kusimaha agaasimaha guud ahna agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda Cabdinaasir Xasan Xuseen iyo qaar kamid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradda.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta isla markaana soconayay muddo 5 cisho ah, ayaa loo qabtay 30 xubnood oo ka kala socda shirkadaha Filimada iyo Warbaahinta, waxaana inta uu socday lagu bartay casharo laxiriira habka sameynta iyo soo saarista Filimada bulshada loo gudbinaayo.

Kusimaha Agaasimaha guud ahna agaasimaha maamulka iyo maaliyadda mudane Cabdinaasir Xasan Xuseen, ayaa bogaadiyay ka qeybgalayaasha tababarka, si bulshada ay ula wadaagaan farriimo wacyigelineed.

Ugu dambeyntii Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay ka qeybgalayaasha tababarkaan iyo macallinkii duruusta bixinayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...