Wasiir Dowlaha Isgaarsiinta oo ka qeygalay shir looga hadlaayo Dhijitaalka oo ka dhacaya Paris 

Date:

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Cismaan Diiriye,ayaa Magaalada Paris ee Caasimada Wadanka France ugu qeybgalaya Shir looga hadlaayo Arrimaha Dhijitaalka oo lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Hey’adda UNESCO.

Munaasabaddan muhiimka ah waxay isu keentay hoggaamiyeyaasha dhijitaalka, kuwa sameeya siyaasadaha, cilmi-baarayaasha, iyo khubaro ka kala yimi daafaha dunida, oo ay ku jiraan wakiillo ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay, dowladaha, hay’adaha aan dowliga ahayn, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Wasiiru-dowlaha Mudane Axmed Cismaan Diiriye, ayaa Intii uu shirku socday, waxa uu la kulmay mas’uuliyiin kala duwan waxa uuna kala hadlay saameynta Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence) uu ku leeyahay nolosha aadmaha ee xiligan iyo sidii si hufan looga faa’iidaysan lahaa.

Shirkaan, ayaa ka mid ah Shirrarka muhiimka ah ee lagu soo bandhigo Hormarka Dhijitaalka iyo Garaadka macmalka ah, waxaana Dowladda Soomaaliya ay wadaa Shuruucdii lagu hagi lahaa maadaama Teknolojiyada qaar ay dunida ku cusubyihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....