Danjire Geelle “Itoobiya waxa ay kasoo horjeeddaa in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.”

Date:

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ambassador Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in Itoobiya ay kasoo horjeeddo isla markaana dhib ku tahay in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ambassador Daahir Maxamuud Geelle “Itoobiya waxay kasoo horjeedaa oo dhib ku ah in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.”

Danjire Geelle oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa raaciyay in daandaansiga Itoobiya uusan salka ku hayn heshiiska lala galay Masar balse ay diiddan tahay in ay Soomaaliya xoog yeelato ama amni iyo horumar ay gaarto.

Mudane, Geelle ayaa sheegay in Itoobiya ay ka dhaadhici la’dahay in aynu nahay laba dal oo deris ah, in aynu nabad ku wada noolaanno iyo in ay Soomaaliya u madax bannaanaan karto danaheeda guud iyo cidda ay xiriirka la samaysanayso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda oo uu dib-u-dhis ballaaran ka socdo

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda...

Ciidanka Xoogga oo howlgal ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay degaanno katirsan gobolka Galgaduud

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Kaa shanaya Ciidamada Deegaanka...

Maxkamadda Ciidamada oo fulisay xukun dil ah oo lagu riday xubno Khawaarij ah

Xukun dil ah ayaa saaka lagu fuliyey Anas Cabdulqaadir...

Wasiirka Haweenka XFS oo la Kulantay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Norway

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka JFS Marwo...