Munaasabadda Mahadcelinta iyo Abaalmarinta Canshuur bixiyaasha oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

-Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabada Mahadcelinta iyo Abaalmarinta Canshuur bixiyaasha oo ay kasoo qeyb galeen wasiirro,xildhibaanno xubno ka socday ganacsatada iyo masuuliyiin kale.

Cabdullaahi Abshir Shariif Maareeyaha Dekada Muqdisho oo ka hadlay goobta ayaa u mahadceliyay canshuur bixiyaasha oo qeyb weyn ka qaadanayo dib u dhiska dalka

“Waxaan u mahadcelinayaa Canshuurbiyaasha oo qayb weyn ka qaatay dib u dhiska dalka, sida Xukuumadda Dan Qaran talada dalka u timid waxaa lagu guulaystey in Shaqaalaha dowlada mushaarkooda in aysan kab u baahan.”ayuu yiri Maareeye Cabdullaahi Abshir

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waaxda Dakhliga Feysal Maxamed Xaashi oo isna madasha ka hadlay ayaa yiri “Maanta waxaan isugunimid u mahadcelinta Canshuur bixiyaasha.”

Agaasimaha Furdooyinka Abuukar Sheekh Axmed “Canshuurtu waxa ay asal ahaan ka timid sekada, waxaan soo wadnaa system ganacsatada u fududaynaya in ay dowlada kula xisaabtamaan Canshuurta ay dhiibaan.”

Dowladda soomaaliya ayaa dhawaan soo rogtay cashuurta Iibka,oo dib u habeeyn iyo casriyeen lagu sameeyay,waxana shacabka soomaaliyeed la faray in ay bixiyaan canshuurta si dalka uu hormar u gaaro

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka bini’aadantinimo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir...

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr....

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...