Wasiir Biixi Iimaan Cige:Soomaaliya Dayn cafinta kaddib waxa ay sameysay horumar dhanka dhaqaalaha ah

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige oo safar shaqo ku tagay dalka Maraykanka ayaa Warbaahinta Qaranka uga waramay safarkiisa & guulaha dalkeenu ka gaaray dhanka Dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Dayn Cafintii kaddib in uu Dalka sameeyay horumar dhanka Dhaqaalaha ah taasina ay muujineyso dedaallada sida wadajirka ah iyo guulaha muuqado ee la gaaray.

Waxa inta wasiirku ku daray hadalkiisa in Madaxda Hay’adda Lacagta Adduunka & Bangiga Adduunka uu kala hadlay halka uu Dalka marayo iyo isbaddelka ka jira.

“Soomaaliya, Dayn cafinta kaddib waxa ay sameysay horumar dhanka dhaqaalaha ah, wana arrin lagu farxo, ” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan ayaa intaas ku daray in ay jiraan dad badan oo Soomaali ah kuna nool Dalka Maraykanka oo guullo waa weyn ka gaaray dhanka Ganacsiga,isago bogaadiyay dedaalkaas xooggan ay sameeyeen.

Wasiirka ayaa dhawaan ka qeyb galay shir ka dhacay Dalka Marakanka,waxa una kulama gaar gaar ah la qaatay madaxda kala duwan ee shirkaas ka qayb gashay isaga oo kala hadlay xaaladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska xarunta Degmada Shingaani

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa...

Duqa Muqdisho oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay Culimada Soomaaliyeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...