Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xariga ka jaray Waddo laami ah oo laga hirgeliyay Degmada Yaaqshiid

Date:

-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Maagaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray Waddo cusub oo laami ah, taasi oo laga hirgeliyay Degmada Yaaqshiid, iskuna xirta Waddada Jeneral Daa’uud ilaa Dahabshiil – Suuq Bacaad.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in qorshaha isku tashiga dhismaha Kaabayaasha waddooyinka uu qeyb weyn ka qaatay soo celinta bilicda, kobaca ganacsiga, dhaqaalaha iyo isku socodka bulshada, asigoona ugu baaqay qeybaha kala gedisan ee bulshada in ay ka qeyb qaataan Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar ee lagu horumarinaayo Caasimadda.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Mudane Suleymaan Fargax, Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Ganacsato, Odayaasha Degmada iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Yaaqshiid.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...