Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa tababbar u furay 30 xubnood oo la barayo Filim soo saarida

Date:

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa tababbar lagu baranayo habka sameynta iyo soo saarista Filmada u furay ilaa 30 xubnood oo ka kala socda shirkadaaha Filimada iyo Warbaahinta kale.

Tababbarkan oo socon doona muddo 5 maalmood ayna soo qaban qaabisay Wakaaladda Filimada ee wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa furitaankiisa ka qeybgalay wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, kusimaha agaasimaha guud ahna agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda Naasir Xasan Xuseen, prof Cabdullaahi Sheikh Cali Qaloocow wasiir kuxigeenkii hore ee Maaliyadda iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee wasaaradda.

Inta uu socdo waxaa lagu barandoonaa casharo la xiriira habka sameynta iyo soo saarista Filimada bulshada loo gudbinayo, waxaana bixinayaa qabiir sare Cabdulqaadir Axmed Buufalo oo hore uga tirsanaan jiray maamulkii Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed xiligii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Kusimaha agaasimaha guud mudane Cabdinaasir Xasan Xuseen ayaa kula dardaarmay ka qeybgaliyaasha tababarka in ay ka faaideystaan, isagoo xusey tababar nuucaan ah ay dunida qiimo weyn ah ku fadhiyaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo si rasmi ah u furay tababarkan wuxuu si weyn uga hadlay muhiimada ay leeyihiin Filmada gaagaaban ee bulshada loo gudbinayo, kuwaasi oo xambaarsan fariimo wacyigelineed oo nuuc kasta leh, wuxuuna bogaadiyay dadaalka uu bixinayo Qabiir Cabdulqaadir Buufalo oo ah qabiir Soomaaliyeed in muddo ah kunoolaa dalka Koonfur Afrika.

Madaxda wasaaradda Warfaafinta ayaa dadaal ugu jira sidii Wakaaladda Filmada oo kamid ah qeybaha warbaahinta ee wasaaradda maqaabkeedi dib loogu soo celin lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...