Duqa Muqdisho oo xabsiga dhaxe gaarsiiyay deeqo kala duwan 

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa kormeer ku tagay Xabsiga Dhexe ee Xamar, asigoona gaarsiiyay Deeq kala gedisan oo isugu jira Geel, Raashiin, Dhar iyo agabyo kale oo baahi loogu qabo Xabsiga.

Kormeerka uu Duqa Muqdisho maanta ku tagay Xabsiga Dhexe, ayaa daba socda ka jawaabida booqasho ay maalmo ka hor halkaasi ku tageen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo uu hogaaminaayay Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) taasi oo ay ugu kuurgaleen xaalada dhabta ah iyo baahiyaha ka jira Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa sheegay in Deeqdaan ay bilaw u tahay ka jawaabida baahiyaha aas-aasiga ah ee ka jira Xabsiga Dhexe, waxa uuna xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay gacan weyn ka geysan doonaan garab istaaga iyo taageerida Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar oo Duqa Muqdisho kala wareegay Deeqda kala gedisan, ayaa waxa ay ka mahadceliyeen sida ay Maamulka Gobolka Banaadir ugu soo jawaabeen wax ka qabashada xaaladaha kala gedisan ee ka jira Xabsiga Dhexe.

Booqashadaan waxaa qeyb ka ahaa Xidlhibaank ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobalka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Xamar Jajab, Warta Nabadda, Agaasimeyaal iyo Saraakiil kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...