Guddoomiyaha SoDMA oo Xarunta NEOC kulan kula qaatay Safiirka Soomaaliya ee Sucuudiga

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta ku qaabilay xarunta qaran ee howl-gallada gurmadka deg degga ah ee NEOC, Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga Danjire Aweys Xaaji.

Shirkaan waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin sidii Danjire Aweys u daba-gal diblomaasiyadeed ugu sameyn lahaa ballan-qaadyo ay hore dalka ugu yabooheen Xarunta King Salmaan iyo Sa’udi Fun.

Balan-qaadyadaas ayaa la xariiray mashaariic hormarineed iyo gargaar oo ay ku jiraan dhismaha xarumaha gargaarka deg degga ah ee maamul gobolleedyada, ceelal biyood, bakhaarrada gargaarka, qalab caafimaad, dab-damisyo iyo Aambalaasyo, kuwaaso oo qaarkood la soo ansixiyay walina soo gaarin hay’adda SoDMA.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...