Wasiirka Waxbarashada XFS oo shir uga qaybgalay dalka Uganda

Date:

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga qayb galay shir looga hadlayay horumarinta hoggaaminta caalamiga ah, kaasoo ay soo qaban qaabisay Xarunta Horumarinta Hogaaminta ee ka tirsan Jaamacadda Makerere ee dalka Uganda.

Shirkaas, ayaa waxaa ka qayb galay 40 aqoonyahan ee Shahaadada PHD ka diyaariya Jaamacadda Qaramada Midoobey ee U Peace ee Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa horay deeqdaan waxbarasho ugu deeqay qaar ka mid ah barayaasha wax ka dhiga Jaamacaha iyo aqoonyahanada ka tirsan hay’adaha dawladda.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Cabdiladiif Maxamuud Cali.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...