Wasiirka Cayaaraha XFS oo ka qeygalay Shirka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada ee Jaamacadda Carabta 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Bare Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay meertada 47aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkaan oo ah mid ay isugu yimaadeen Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha, dhallinyarada iyo hey’adaha caalamiga ah ee dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta, ayaa lagu daah-furaayay Istaraatiijiyadda Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga ee UNSCR2250.

Wasiirka, ayaa hadaljeedintiisa kaga warbixiyay sida ay dowladda Soomaaliya mas’uuliyad isaga saartay sidii ay dhallinyarada Soomaaliyeed door muhiim ugu yeelan lahaayeen howlaha nabad-dhiska dalka, isagoo tusaalo usoo qaatay sida ay Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed muhiimad buuxda u siineyso barnaamijkaan.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ka waramay sida ay Soomaaliya u fulineyso qaraarkaan caalamiga ah maadaama ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ay bilaawday hannaanka dhaqangelinta qaraarkaan caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...