Dowladda oo kaalmo lacageed siisay dhibanayaasha Qaraxii Liido

Date:

Guddiga gurmadka Qaran ee Qaraxi Liido ayaa xarunta Qaran ee hawlgallada gurmadka Degdegga ah ee hay’adda maareeynta Musiibooyinka kula kulmay ehellada dadkii ku naf-waayay weerarkii argagaxiso ee billowgii bishaan ka dhacay Xeebta Liido.

Guddiga ayaa min $2000 oo doolar oo taakulo ah guddoonsiiyay ehellada 36 qof oo ku dhintay weerarkaas, iyagoo ballan-qaaday in aan intaas looga hari doonin oo si gaar ah Dowladda Soomaaliya kaga war-qabi doonto dhammaan walaalaha wax-yeelladu gaartay.

Guddiga ayaa sidaan oo kale, hore qoondo lacageed u guddoonsiiyay dadka dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...