Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Safriika dowldda Shiinaha ee Soomaaliya

Date:

-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u soo magacowday Soomaaliya Wang Yu, waxaana kulankaan looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo taageerada gargaar ee loo baahan yahay.

Guddoomaha SoDMA ayaa Safaaradda uga mahadceliyay doorka wanaagsan ee ay ka qaadato dedaallada gargaarka iyo mashaariicda hormarka dalka, isagoo la wadaagay baahida xilligaan loo qabo, kaabayaal sida; bakhaarro, gaadiid iyo qalab lagu tabco calafka xoolaha oo loogu talagalay in la adeegsado xilliga jiilaalka.

Danjire Wang Yu, ayaa ballan-qaaday in dhawaan Dowladda Shiinaha ay waddanka keeni doonto gargaar raashin ah, isagoo xusay inuu sii wadi doono wada-shaqeynta iyo iskaashiga arrimaha gargaarka ee ka dhaxeeya hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Safaaradda Dowladda Shiinaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...