Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay Bandhiga waxqabadka xukuumadda Dan-qaran

Date:

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmaed Nuur (Madoobe) oo ka qeyb galay Bandhiga waxqabadka xukuumadda Dan-qaran oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa ku amaanay Ra’isulwasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo golihiisa wasiiradda wax qabadka muuqda ee ay la yimaadeen mudadii labada sano aheyd oo ay jireen.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa sheegay in guulaha waxtarka leh ee la gaaray mudadii labada sano aheyd ay horseed u ahaayeen shuruucdii muhiimka aheyd ee ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,wuxuuna Ra’isulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay hogaamintiisa wanaaagsan ee laanta fulinta.

Ugu dambey Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in horumarkan la gaaray mudada kooban ee labada sano ah lagu gaaray wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, mudada harsanna la gaari karo horumar midka hada la gaaray kasii balaaran ,wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowladooda taageeraan oo ay ku garab istaagaan horumarka dowladnimo ee Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...