Danjire Jabril oo ka qaybgalay xaflad sagoontin ah oo loo sameeyay Arday Soomaaliyeed

Date:

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Nairobi Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ka qaybgalay xaflad loo sameeyay ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleysatay deeq waxbarasho oo dalka Japan u fidiyay dalka Soomaaliya.

Ardaydaan oo baran doonto Kuliyaddaha kala duwan ee lagu barto jaamacadaha dalka Japan ayaa la filayaa marka ay ku soo laabtan dalka Soomaaliya in kaalin mug leh ka geysataan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Danjire Jabril ayaa si weyn ugu mahad celiyay dowladda Japan deeqdan waxbarasho oo waqtigeeda ku haboon ay u fidisay ardayda Soomaaliyeed. Isaga oo ka hadalaya xaflada Waxa uu danjiruhu yiri “Deeqdaan waxbarasho waxa ay ka tarjumaysa sida hagar la’aanta ah ee dalka Japan ay uga go’an tahay taageedira mashaariicda lagu hormarinayo dalka Soomaaliya, waxaanan si kal iyo laab ah uga mahadcelinaynaa taageeradan qiimaha badan”

Sanadihii lasoo dhaafay, dalka Japan waxa ay Soomaaliya u ahayd mid ka mida saaxiibada muhiimka ah ee Soomaaliya ka taageera mashaariicda horumarinta. Iyadoo loo marayo wakaaladda iskaashiga caalamiga ah ee Japan ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (JICA),

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...