Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha Ganacsiga Africa iyo Hindiya

Date:

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha’ Mudane Cabdisalaam Shariif Xusseen, ayaa ka qayb galay shirweynaha ganacsiga Africa iyo Hindiya (Indian African conclave 19th CII) oo ka socdo magaalada New Delhi ee caasimadda dalka Hindiya.

Shirka oo sanadle ah ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin iyo wakiillo ka socda inta badan dalalka Qaaradda Africa, waxanay madaxda halkaasi ka hadashay sheegeen in kobaca ganacsi iyo dhaqaalaha Qaarada Africa uu dardar xooggan ku socdo.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Hindiya, Jagdeep Dhankar ayaa ku dheeraaday xiriirka Hindiya iyo Africa maalgashiyada labada dhinac iyo sida ay weli diyaarka ugu yihiin in ganacsiga iyo suuqyada Africa wax soo saarkooda kor loo qaado.

Africa iyo Hindiya ayaa inta badan waxaa ka dhexeeya iskaashi dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha...

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo laga guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan...