Ciidammada Amniga oo Ummadda ka badbaadiyeen laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa

Date:

Ciidamada amniga, ayaa duleedka Muqdisho ku qarxiyay labo gaari oo ay Khawaarijta arxanka daran ku dooneysay in ay ku waxyeelleyso Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, oo u waramay Radiomuqdisho ayaa sheegay in ciidanka Amniga Qaranka ay saakay xilli hore duleedka Muqdisho ku qarxiyeen labo Gaari oo  Khawaarijtu doonaysay in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Al-Cadaala ayaa bogaadiyay howsha ay qabteen geesiyaasha Qaranka iyo sida ay uga hor tageen dhagarta cadowga.

“Ciidamada geesiyaasha ee Qaranka ayaa saaka duleedka Muqdisho ku qarxiyay labo Gaari oo Khawaarijtu ay doonaysay in ay Shacabka ku layso, duco iyo bogaadin ayay mudan yihiin halyeeyada fashiliyay cadawgaas, alle ayaa mahadsan” ayuu yiri wasiir Al-cadaala.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...