Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga hirgaliyay kulliyadda Duulista Rayidkaย 

Date:

Jaamacadda Mogadisho, ayaa daah furtay kulliyaddii ugu horreysay ee lagu baranayo cilmiga duulimaadyada rayidka ah ee Soomaaliya, taas oo noqonaysa tallaabo horumarineed oo muhiim ah.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista rayidka , Axmed Jamac Cumar, maareeyaha guud ee hayโ€™adda duulista rayidka, Axmed Macallim, guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka ee duulista iyo howlaha guud, Cabdullaahi Geel-qaad, iyo masโ€™uuliyiin kale.

Maareeyaha hayโ€™adda duulista rayidka, Axmed Macallim, ayaa sheegay in hayโ€™addu ay si buuxda u taageeri doonto Jaamacadda, iyadoo iskaashi dhinaca tababarrada ah la sameyn doono, wuxuuna tilmaamay in muhiimadda barnaamijkan ay tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay helaan aqoonta duulimaadka, si loo yareeyo baahida loo qabo dadka ajanebiga ah.

Guddoomiyaha midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud Xasan Biday, ayaa isna bogaadiyay dedaalka Jaamacadda Mogadishu University ee ku aaddan horumarinta waxbarashada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo daahfuraya Hirgalinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda

Raโ€™iisul Wasaaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo tixraaceysa himilooyinka dastuuriga ah iyo...