Ciidanka xoogga Dalka oo khawaarijta kala wareegay degaanno hoostaga degmada Luuq ee Gobolka Gado

Date:

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo kuwa Daraawiishta jubbaland ayaa howlgal ka sameeyay waddada xiriirisa

degmooyinka Luuq iyo Doloow ee Gobolka Gedo,halkaa oo khawaarijtu mudooyinkii dambe ay khawaarijtu ku dhibateynayeen dadka shacabka ah.

Ciidamada ayaa la wareegey fariisimo ay khawaarijtu ku lahayeen degaanada Shataaloow, Aboow iyo laaqeey, iyadoo halkaasi khasaare xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta, sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiisha hhowlgalka hoggaamineysay.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Gobolka Gedo Cali Xasan Cabdi oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalka, isaga oo sheegay inay degaano badan kala wareegeen Khawaarijta,hadana ay gacanta ciidanka dowladda ay ku jiraan.

Degaannada iyo degmooyinka Gobolka Gedo ayaa waxaa intooda badan gacanta ku haaya Ciidamada xoogag dalka Soomaaliyeed,waxana qorshuhu yahay in goobaha kale ee khwaarijtu ku sugantahy laga xoreeyo,si bulshada u helaan nabad iyo xasilooni.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr....

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf...