Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay xariirka ka dhaxeey Madaxda dalka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed

Date:

Madaxda Soomaaliyeed oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaa kala dhaxeeyo dhallinyarada Soomaaliyeed,Xiir soo jireen ah kaas oo salka ku hayo,U qareemida dantooda haddii ay ahaan laheyd,Waxbarasho,Caafimaad,Shaqo abuuris intaba.Dhallinyarada iyo madaxdooda ma taagno heer leesku diri karo,Waayo dhallinta waa ubaxa dalka,Taasne way ogyihiin,Ciddii wax tartane way u ogsooyihiin.

” Madaxdaan waxa ay ku suntan yihiin inay yihiin Aabeyaal,waxa ay wakhtigooda inta ugu badan ku bixiyeen siday dhallinyarada Soomaaliyeed u heli lahaayeen,Waxbarashada heerarkeeda kala duwan, waxa ay isku howleyn sida ay shahaada dalkeena laga qaato u noqon laheyd mid adduunka laga aqoonsan yahay,Si birri midkii Waxbarasho dibadda ah u helo ugu faa’iideesto”.

Dadka madaxda ah oo u adeego dhallinyarada Soomaaliyeed,intooda badan waa kuwo kasoo laabtay Dibadaha si ay wax ugu qabtaan ummadda Soomaaliyeed,Way heesteen nolol fiican oo ay ku raaxaysan karaan,Balse waxa ay isku xilsareen inay samata bixiyaan dhallinyarada,Oo ay naf iyo maalba u hurraan siday ay hormar ku gaari lahaayeen, Dhalliyada Soomaaliyeed.

“Dhalliyada Soomaaliyeed maanta lama khaldikaro, Siyaasi bargo’ah ma khaldikaro,Waxa ay garanayaa ciddii wax tartay,Iyo ciddii aan wax tarin,Runta ayay arkaan,Madaxdooda iyo ayaga cidne iskuma dhufan karto”

Soddonkii sano ee lasoo dhaafay waxaan rabnaa in la eego,Dhalinyarada Soomaaliyeed ciddii wax tartay iyo ciddaan waxba tarin,Qofkasto oo madax soo noqday Dhalinyarada waxa uu taray way dhiggan tahay,Qofkastane waxa uu qabtay waa ay rekood garaysan yihiin.Mustabalka dalkaan waa dhallinyarada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...