Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray xarunta Gurmad Qaran

Date:

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kormeer ku tagay xarunta qaran ee howlgalada gurmadka deg dega ah oo hoostagta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa halkaasi kulan kula qaatay maamulka iyo howlwadeenada hay’adda oo uu guddoomiyaha hay’adaasi hogaaminayo.

Ugu horeyn maamulka xarunta Qaran ee Howlgalada Gurmadka Degdega ah ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka la wadaagay warbixin ku saabsan waxqabadka xaruntan mudadii ay jirtay, sida ay uga jawaabtay xaalado badan oo wadanka soo maray iyo gurmadkii ay sameysay, sidoo kale waxa ay sharaxaad ka bixiyeen waxyeeladii ka dhalatay weerarkii Khawaariijta dhowaan ku qaaday Xeebta Liido ee Magaaladda Muqdisho iyo sida ay hay’adda uga jawaabtay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu horeyn maamulka iyo howlwadeenada hay’adda SODMA ku amaanay howsha adag ee ay qaranka u hayaan isaga oo si gaar ah u tilmaamay howlwadeenada xarunta oo uu sheegay in ay dalkooda ay si nafhurnima ah ugu adeegayaan qarankoodana uu doorkaas qiimaha ku abaalmarin doono.

Sidoo kale guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in dhexdooda isku gurmadaan oo ay garab istaag u muujiyaan midka tabarta daran ee caawinta u baahan, sidoo kalena garab istaag u muujiyaan geesiyaasha qaranka Soomaaliyeed ee duurka ugu jira sidii Khawaariijta dalka looga ciribtiri lahaa dalka,si gurmad loo gaarsiiyo guud dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu kaalintiisa ka qaadan doono gurmad walba oo dadka Soomaaliyeed loo sameynayo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...