Wasiirka Caddaaladda oo kulan la qaatay wafdi ka socday hay’adda Bisha cas iyo Isbitaalka Erdogan

Date:

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay wefdi ka socda Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan iyo Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga. Wefdigaan ayaa maanta booqday Xabsiga Dhexe ee Xamar iyagoo u kuurgalayay xaaladda caafimaad ee maxaabiista.

Intii lagu guda jiray kulanka, Wasiir Xasan Macallin iyo wefdiga ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caafimaad oo joogtada ah, iyo tababarro lagu taageerayo howl-wadeennada xabsiyada.

Wasiirka, ayaa ugu dambeyntii uga mahadceliyey maamulka isbitaalka iyo Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga dadaalkooda joogtada ah, isagoo ku booriyey inay sii wadaan taageerada muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...