Wasiirka Amniga Gudaha oo tababar u soo xiray cutubyo ka mid ah Ciidanka Booliska

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi  Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa tababar usoo xirey qaar ka mid ah ciidanka Boliiska gaarka ah ee Haramcad oo qeyb ah ciidanka xasilinta caasimadda.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan amniga iyo xasilinta caasimadda ayaa waxa uu Wasiirku ku bogaadiyay dedaalka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka, isaga oo kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan xaqiijinta amniga caasimadda.

Munaasabadda ciidanka tababarka loogu soo xirayey ayaa waxaa Wasiirka ku weheliyey Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/G Maxamed Cabdullaahi Kaniif.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...