Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo daah-furay Shirka Wasiirada Maaliyadda HF iyo HDG

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay kulankii 22-aad ee shirka Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkaan, ayaa looga wadatashanayaa arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maamulka Maaliyadda Dalka, qeybsiga kheyraadka iyo mideynta cashuuraha, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow, ayaa soo dhaweyn kadib furitaankii shirka waxa ay dhageysteen talooyinka Wasiirada Dowlad-Goboleedyada, waxa ayna ka jawaabeen su’aalaha la xiriira horumarinta Maaliyadda iyo wadashaqeynta guud.

Shirkaan ay isagu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda heer federal iyo heer D.Goboleed ayaa la filayaa in berri la soo gabagabeeyo, Waxaa kulankaan ka maqan oo aan ka soo qayb galin Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka mid ahaa wasiiradii lagu casuumay shirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...