Kolanka Hormarinta qorshaha istaraatiijiyadda iyo siyaasada shaybaarka qaranka 

Date:

Waxaa Magaalada Nairobi ka Furmay Kulanka Horumarinta Qorashaha Istaraatiijiyadda iyo Siyaasada Shaybaarka Qaranka oo ay Taageereyso Xarunta Xakamaynta iyo ka hortaga Cudurada Afrika (AFRICA CDC).

Kulanka oo socon doona Maalmaha soo socda ayaa waxaa ka qayb galaya Khubarada Caafimaadka iyo howl wadeenada Shaybaarka Qaranka Iyo sheybaarada maamul goboleedyada iyadoo la uruurin doono afkaarta khubarada ka qayb qaadanya Qorridaa Istaraatiijiyadan we isaga kala yimid dalalka Afrika si loo helo Istaraatiijiyad Qayaxan oo uu ku Howl-galo Shaybaarka Qaranka.

Agaasimaha shaybaarka Qaranka Dr. Mohamed Abdullahi oo ka hadlay furitaanka kulankan ayaa Xarunta Xakamaynta iyo ka hortaga Cudurada Afrika (AFRICA CDC) uga Mahad Naqay taageeradooda Horumarinta Istaraatiijiyada Shaybaarka Qaranka isagoo sheegay inay jidka u Xaarayso in Dalkeenu yessho Shaybaar Qaran oo daboola Baahiyaha dalka iyo Gobolka Geeska Afrika.

Kulanka Waxa Sido Kale Kaso Qayb Galaya Dr Mazyanga, oo ah Agaasime Goboleedka Xarunta Xakamaynta iyo Ka Hortaga Cudurada ee Afrika (AFRICA CDC) iyo Qubaro ka kala yimid Qaarada Afrika ku Taqasusay Horumarinta Istaraatiijiyadaha Shaybaarada.

Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada Machadkeeda Caafimaadka Qaranka Waxa u siyaasad cad ka leeyahay Horumarinta Qaybaha kala Gedisan ee Caafimaadka dalka iyadoo Xooga la Saarayo in Shaybaarka Qaranka uu noqdo Mid la Jaanqaada Shaybaarada Qaarada Afrika iyo Caalamka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...