Soomaaliya oo Masar uga mahadcelisay mawqifkeeda ilaalinta midnimada Soomaaliyeed

Date:

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS musane Axmed Macallin Fiqi ayaa dowladda aan walaalaha nahay ee Masar uga mahadceliyey mowqifka cad ee ay ka taagantahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax banaanida Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo ay Qaahira ku wada qabteen wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelatty iyo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayuu Abdelatty ku sheegay in Masar ay gardarro u aragto heshiiski ay wada gaareen Ethiopia iyo maamulka gobolada woqooyi ee Somaliland.

“Waxa aan adkaynaynaa dhowridda Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxa ay Masar si dhammaystiran ugu gacan-seyrtay tallaabo waliba oo ujeedkeedu yahay mid dhaawacaysa midnimada Soomaaliya iyo bedqabka dhulkeeda, waxa aan sidoo kale markale ku celinaynaa inaan si buuxda u diidannahay is-afgaradka la saxiixay, waxaanan adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la dhowro madax bannaanida Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Masar.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...