Wasiir Maxamed Xasan “ Waa mamnuuc in dalka la keeno Dawooyinka maandooriye ahaanta loo isticmaalo.”

Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay dhibaatada sii xoogeysaneysa ee maandooriyuhu ku haayo Bulshad, iyadoo dhallinyaro badan ay qabatimeen dawooyinka maandooriyaha loo isticmaalo.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay mamnuuc tahay in dalka la keeno dawooyinka maandooriye ahaanta loo isticmaalo.

” Daawooyinka daroogada ah ee dadku maandooriy ahaan u isticmaalaan, waxaan rabaa inaan u sheego dawooyinkaas gabi ahaanba dalka waa ka mamnuuc, qof soo gadan kara, ka ganacsana kara, siina iibin kara runtii ma jirto, 30-kii sanno ee ugu dambeeyay dalkeenna waxaa ku soo qul qulayay dawooyin kala duwan oo aan runtii lahayn nidaam, aana lahayn sharciyad, labo gacan ayaa ku wajahnay arrintaas, waxaan sameynay sharcigii, qaanuunkii iyo kala hagiddii maareynta dawada iyo waliba qalabka caafimaadka, daawada sidaad ogtahay xaaliyan dalka dibaddiisa ayaa la tegaa, waa la soo iibiyaa, tayadeeda (Quality-geeda), heerka (Standard-ka) adduunka wuxuu leeyahay meel laga Kantaroolo, heerkaas inagoo raacayna, waxaan sameynay habraacaas, habraacaas runtii wuxuu kala hagi doonaa qawaaniinta lagu soo iibiyo dawada, 21-kii-Janaayo waxaa ansixiyay golaha wasiirada XFS, haddana wuxuu horyaalaa Baarlamaanka,”. ayuu yiri wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay in ay waddo qaldan u maraan soo iibsashada daawo aan dalkan loogu talagelin oo maandooriye ah, taas oo qasbeysa in ay tallaabo ka qaadaan ganacsatadaas iyagoo u maraya laamaha amniga.

” Ganacsada guud ahaan waa ay ogyihiin, haddii waddo qaldan aad ku soo gadatid daawo qaldan oo aan dalkan loogu talagelin oo maandooriye ah waxaad ku talagaleysaa in aan kaa qabaneyno inagoo isticmaaleyno laamaha amniga, hay’adaha canshuurtana ay canshuur ka qaadin, daawo maandooriye ah dalkanaga inta xaddiga loogu talagalay dalka ee dawada loo isticmaalo waxaa bixiso wasaaradda caafimaadka, iyadoo warqadihii iyo wax walba oo lagu soo gadan lahaa diyaar ay yihiin.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa la dagaallanka dhammaan noocyada maandooriyaha ee ay isticmaalaan dhallinyarada, kuwaas oo sabab u noqda falalka amni-daro.

Ugu dambeyn, Baarlamanka Soomaaliya oo uu horyaalo sharciga iyo qawaaniinta lagu soo iibiyo dawada ayuu ka codsaday in ay ansixiyaan si ay u qaadaan tallaabooyin sharci ah oo lagu mamnuucayo dawooyinka maandooriyaha loo isticmaalo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...