Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka tacsiyeey geerida Guddoomiye JAWAARI

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid marxuum Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS oo galabtay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan golaha Aqalka Sare waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Waxaana Alle uga baryaa in uu Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelka, asxaabta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday”

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...