Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shacabka Caasimadda salaadda Ciida kula tukaday Masjidka Isbaheysiga

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ahna Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Shacabka ku nool caasimadda Muqdisho Salaada Ciida kula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Magaaladda Muqdisho.

Guddomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Salaada Ciida ka dib la hadlay dadweynihii masaajidka ku sugnaa ayaa ugu hambalyeeyay munaasabada ciida, waxaa uuna dadka Soomaaliyeed ku booriyay garab istaagida dadka danta yar.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed midnimo, wadajir iyo in ay taageeraan horumarka dowladnimo ee dalka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...