Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa kulan la qaatay Wasiirka xajka iyo cumrada Dowladda Sacuudiga

Date:

Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Sacuudiga mudane Towfiiq Binu Fowsaan.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac, in xujeyda Soomaaliyeed ay helaan adeeg aad u sarreeya.
Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali oo uu wehliyo Madaxa xafiiska Arrimaha xajka Wasaaradda Awqaafta Dr Khadar Xaaji Daahir ayaa wasiirka Xajka Sacuudiga la wadaagay in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay in la kordhiyo tirada xujeyda Soomaaliyeed oo hadda ah kaliya 11 kun iyo shan boqol taas oo ka dhigan in sacuudigu u aqoonsan yahay bulshada Soomaaliyeed in ay tahay 12 Malyan.
“Waxaan u sheegay Wasiirka in bulshada Soomaaliyeed ay ka Badan tahay inaas balse aan Tira koob lagu sameyn waqti dhow, tusaalena waxaa noogu filan markii ugu dambeysay ee tirakoob lagu sameeyo bulshada Soomaaliyeed qoyska reer Roobow waxaa uu ahaa 12 ruux maantana boqol ayuu kor u dhaafay” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar.
Wasiirka Xajka iyo Cumrada dowladda Sacuudiga ayaa dowladda Soomaaliyeed ku amaanay dadaalka ay ku bixisay hagaajinta xajka isagoo ballan qaaday in ay kala shaqeyn doonto sidii loo sii hor Mari lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum C/raxmaan Yacquub

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo Maalintii labaad ka socda Muqdisho

Waxaa maalintii labaad Magaalada Muqdisho ka socda Shirweynaha Bahda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Pakistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...